Tirintii 16:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba Qorax ina Isehaar oo ahaa ina Qohaad, oo ka sii ahaa reer Laawi, isaga iyo Daataan iyo Abiiraam oo ahaa ilma Elii'aab, iyo Oon oo ahaa ina Feled oo reer Ruubeen ahaa ayaa rag watay,

2. oo waxay ku hor kaceen Muuse iyaga iyo reer binu Israa'iil qaarkood oo ahaa laba boqol iyo konton amiir oo shirka loo doortay oo wada caan ahaa.

3. Oo iyana way wada urureen oo gees ka noqdeen Muuse iyo Haaruun, oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku filan, maxaa yeelay, shirka oo dhan qof kastaaba waa quduus, oo Rabbiguna waa dhex joogaa iyaga. Haddaba maxaad Rabbiga ururkiisa isaga sara marisaan?

Tirintii 16