1. Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan guriga Rabbiga iyo gurigiisiiba dhisayay,
2. ayuu Sulaymaan dhisay magaalooyinkii Xuuraam isaga siiyey, oo wuxuu halkaas dejiyey reer binu Israa'iil.
3. Oo haddana Sulaymaan wuxuu tegey Xamad Soobaah, wuuna ka adkaaday.
4. Oo cidladiina ayuu Tadmor ka dhisay, oo weliba wuxuu Xamaad ka dhisay magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo dhan.
5. Oo weliba wuxuu kaloo dhisay Beytxooroontii sare iyo Beytxooroontii hooseba, wuxuuna ka dhigay magaalooyin deyr leh oo ay derbiyo ku wareegsan yihiin oo irdo iyo qataarroba leh,
6. iyo weliba Bacalad, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa oo dhan, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem, iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.
7. Oo weliba dadkii ka hadhay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus oo aan reer binu Israa'iil ahayn,
8. kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay, oo aanay reer binu Israa'iil baabbi'in, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.