Taariikhdii Labaad 22:1-2 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

2. Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo afartan sannadood, oo Yeruusaalemna sannad ayuu boqor ku ahaa, oo hooyadiis magaceedana waxaa la odhan jiray Catalyaah ina Coomrii.

Taariikhdii Labaad 22