9. Oo naagtiisii Xodeshna wuxuu ka dhalay Yoobaab, iyo Sibyaa, iyo Meeshaa, iyo Malkaam,
10. iyo Yecuus, iyo Shaakyaah, iyo Mirmaah. Intaasu waa wiilashiisii oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda.
11. Oo Xushiimna wuxuu ka dhalay Abiituub iyo Elfacal.
12. Wiilashii Elfacalna waxay ahaayeen Ceeber iyo Mishcaam iyo Shemed oo ahaa kii dhisay Oonoo iyo Lod iyo magaalooyinkooda oo dhan,
13. iyo Beriicaah, iyo Shemac, oo ahaa madaxdii reeraha dadkii Ayaaloon degganaa oo ahaa kuwii eryay dadkii Gad degganaa,
14. iyo Axiyoo, iyo Shaashaq, iyo Yereemood,
15. iyo Sebadyaah, iyo Caraad, iyo Ceeder,
16. iyo Miikaa'eel, iyo Yishfaah, iyo Yooxaa, oo ahaa wiilashii Beriicaah,
17. iyo Sebadyaah, iyo Meshullaam, iyo Xisqii, iyo Xeber,