Taariikhdii Kowaad 7:31-40 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.

32. Oo Xeber wuxuu dhalay Yafleed, iyo Shomeer, iyo Xootaam, iyo walaashood Shuucaa.

33. Wiilashii Yafleedna waxay ahaayeen Faasag, iyo Bimhaal, iyo Cashwaad. Intaasu waa ilma Yafleed.

34. Wiilashii Shemerna waxay ahaayeen Axii, iyo Raahgaah, iyo Yehubbaah, iyo Araam.

35. Oo walaalkiisii Xeelem wiilashiisiina waxay ahaayeen Soofax, iyo Yimnaac, iyo Sheelesh iyo Caamaal.

36. Wiilashii Soofaxna waxay ahaayeen Suu'ax, iyo Xarnefer, iyo Shuucaal, iyo Beerii, iyo Yimraah,

37. iyo Beser, iyo Xood, iyo Shammaa, iyo Shilshaah, iyo Yitraan, iyo Be'eeraa.

38. Wiilashii Yeterna waxay ahaayeen Yefunneh, iyo Fisfaah, iyo Araa.

39. Wiilashii Cullaana waxay ahaayeen Aarax, iyo Xannii'eel, iyo Risyaa.

40. Oo kulli intaas oo dhammuna waxay wada ahaayeen ilma Aasheer oo ah madaxdii reerahooda, oo waxay ahaayeen rag xoog badan oo la doortay, oo weliba waxay ahaayeen madaxdii amiirrada. Oo tiradoodii abtiriska loogu tiriyey hawsha dagaalka waxay ahayd lix iyo labaatan kun oo nin.

Taariikhdii Kowaad 7