Taariikhdii Kowaad 4:24-39 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

24. Wiilashii Simecoonna waxay ahaayeen Nemuu'eel, iyo Yaamiin, iyo Yaariib, iyo Serax, iyo Shaa'uul

25. oo dhalay Shalluum, oo isna dhalay Mibsam, oo isna dhalay Mishmaac.

26. Mishmaac farcankiisuna wuxuu ahaa Xamuu'eel oo dhalay Sakuur, oo isna dhalay Shimcii.

27. Shimciina wuxuu lahaa lix iyo toban wiil iyo lix gabdhood, laakiinse walaalihiis carruur badan ma ay lahayn, oo qoladooda oo dhammuna uma ay tarmin, sida reer Yahuudah oo kale.

28. Oo iyagu waxay degganaayeen Bi'ir Shebac, iyo Molaadaah, iyo Xasar Shuucaal,

29. iyo Bilhah, iyo Cesem, iyo Toolad,

30. iyo Betuu'eel, iyo Xormaah, iyo Siiqlag,

31. iyo Beytmarkabood, iyo Xasar Suusiim, iyo Beytbirii, iyo Shacarayim. Intaasu waxay ahaayeen magaalooyinkoodii ay degganaayeen tan iyo waagii Daa'uud boqortooyada haystay.

32. Oo tuulooyinkoodiina waxay ahaayeen Ceetaam, iyo Cayn, iyo Rimmon, iyo Token, iyo Caashaan, oo waxay ahaayeen shan magaalo,

33. iyo kulli tuulooyinkoodii ku wareegsanaa isla magaalooyinkaas ilaa tan iyo Bacal. Kuwaasu waxay ahaayeen rugahoodii ay degganaayeen, oo iyagu abtirisna way leeyihiin.

34. Oo Meshoobaab, iyo Yamleeg, iyo Yooshaah oo ahaa ina Amasyaah,

35. iyo Yoo'eel, iyo Yeehuu oo ahaa ina Yooshibyaah ina Seraayaah, ina Casii'eel,

36. iyo Eliyooceenay, iyo Yacaqobaah, iyo Yeshooxaayaah, iyo Casaayaah, iyo Cadii'eel, iyo Yesiimi'eel, iyo Benaayaah,

37. iyo Siisaa oo ahaa ina Shifcii ina Alloon oo ahaa reer Yedacyaah oo ka ahaa reer Shimrii oo ka sii ahaa reer Shemacyaah,

38. intaas magacyadooda la sheegay waxay ahaayeen amiirradii qolooyinkooda, oo reerahooduna aad bay si weyn ugu kordheen.

39. Oo waxay tageen meesha Gedoor laga galo iyo xataa tan iyo dooxadii dhankeeda bari si ay idahooda daaq ugu doondoonaan.

Taariikhdii Kowaad 4