Taariikhdii Kowaad 27:31-34 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. oo adhyahana waxaa u talinayay Yaasiis oo ahaa reer Hagrii. Oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen taliyayaashii maalkii Boqor Daa'uud.

32. Oo weliba Yoonaataan oo ahaa Daa'uud adeerkiis wuxuu ahaa lataliye waxgarasho weyn leh, iyo karraaniba, oo Yexii'eel ina Xakmooniina wuxuu la jiray boqorka wiilashiisa.

33. Oo Axiitofelna wuxuu ahaa boqorka lataliyihiisa, oo Xuushay oo ahaa reer Arkiina wuxuu ahaa boqorka saaxiibkiis.

34. Oo Axiitofelna waxaa ku xigay Yehooyaadaac ina Benaayaah, iyo Aabyaataar, oo boqorka ciidankiisana waxaa sirkaal u ahaa Yoo'aab.

Taariikhdii Kowaad 27