Taariikhdii Kowaad 23:5-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. oo afar kunna waxay ahaayeen iridjoogayaal, oo afar kunna waxay Rabbiga ku ammaani jireen alaabtii aan u sameeyey in isaga lagu ammaano ayuu Daa'uud yidhi.

6. Oo Daa'uud wuxuu iyagii u kala qaybiyey koox koox sidii ay ahaayeen wiilashii Laawi, kuwaas oo ahaa: Gershoon, iyo Qohaad, iyo Meraarii.

7. Reer Gershoon waxaa ahaa Lacdaan iyo Shimcii.

8. Wiilashii Lacdaan waxay ahaayeen saddex, waana Yexii'eel oo madax ahaa, iyo Seetaam, iyo Yoo'eel.

9. Wiilashii Shimciina waxay ahaayeen saddex, waana Shelomood, iyo Xasii'eel, iyo Xaaraan, kuwaasu waxay ahaayeen madaxdii qolooyinkii reer Lacdaan.

10. Oo waxaa wiilashii Shimcii ahaa Yaaxad, iyo Siinaa, iyo Yecuush, iyo Beriicaah. Afartaasuba waxay ahaayeen wiilashii Shimcii.

11. Oo waxaa madax ahaa Yaaxad, Siisaahna wuxuu ahaa kii labaad, laakiinse Yecuush iyo Beriicaah wiilal badan ma ay lahayn, oo sidaas daraaddeed iyaga waxaa loo tiriyey isku reer.

12. Wiilashii Qohaadna waxay ahaayeen afar, waana Camraam, iyo Isehaar, iyo Xebroon iyo Cusii'eel.

13. Wiilashii Camraamna waxay ahaayeen Haaruun iyo Muuse, oo Haaruun waxaa gooni looga dhigay inay isagii iyo wiilashiisuba weligood quduus ka dhigaan waxyaalaha ugu wada quduusan iyo inay Rabbiga hortiisa foox ku shidaan, oo ay u adeegaan oo ay weligoodba magiciisa ku duceeyaan.

14. Laakiinse Muuse oo ahaa nin Ilaah wiilashiisii waxaa lagu tiriyey qabiilka reer Laawi.

15. Wiilashii Muusena waxay ahaayeen Gershoom iyo Eliiceser.

16. Ina Gershoomna wuxuu ahaa Shebuu'eel oo madax ahaa.

17. Ina Eliiceserna wuxuu ahaa Rexabyaah oo madax ahaa. Oo Eliiceser innaba wiilal kale ma lahayn, laakiinse Rexabyaah wiilashiisu aad bay u badnaayeen.

18. Ina Isehaarna wuxuu ahaa Shelomiid oo madax ahaa.

Taariikhdii Kowaad 23