Taariikhdii Kowaad 20:5-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Oo haddana reer Falastiin waa lala diriray, oo Elxaanaan ina Yaaciir wuxuu dilay Laxmii oo ahaa Goli'ad kii reer Gad walaalkiis, oo samayda warankiisuna waxay le'ekayd dharsameeyaha looxiisa.

6. Oo haddana waxaa dagaal ka dhacay Gad, halkaasna waxaa joogay nin aad u dheer, oo farihiisa gacmeed iyo farihiisa lugeedna waxay ahaayeen afar iyo labaatan, oo gacan kasta wuxuu ku lahaa lix, cag kastana wuxuu ku lahaa lix, oo isna wuxuu u dhashay Rafaa.

7. Oo isna markuu reer binu Israa'iil caayay waxaa isagii dilay Yoonaataan oo uu Daa'uud walaalkiisii Shimcaa ahaa dhalay.

8. Kuwanu waxay Rafaa ugu dhasheen Gad, oo waxay ku dhinteen Daa'uud gacantiisii iyo gacantii addoommadiisa.

Taariikhdii Kowaad 20