Taariikhdii Kowaad 17:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo waxay noqotay markii Daa'uud gurigiisii degay, in Daa'uud Nebi Naataan ku yidhi, Bal eeg, anigu waxaan degganahay guri qori kedar ah laga sameeyey, laakiinse sanduuqii axdiga Rabbigu wuxuu yaal daahyo hoostood.

2. Markaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii qalbigaaga ku jira oo dhan samee, waayo, Ilaah baa kula jira.

3. Oo isla habeenkaas eraygii Ilaah baa u yimid Naataan oo ku yidhi,

4. Tag, oo waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Waxba guri aan dego ha ii dhisin,

Taariikhdii Kowaad 17