Sharciga Kunoqoshadiisa 5:22-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Erayadaas wuxuu Rabbigu, isagoo buurta jooga, dab iyo daruur iyo gudcur qaro weyn dhexdooda shirkiinna oo dhan kagala hadlay cod weyn, wax kalena kuma uu darin. Oo wuxuu ku qoray laba loox oo dhagax ah, markaasuu i siiyey.

23. Markaad codka ka dhex maqasheen gudcurka, iyadoo buurta dab ka qaxmayo, ayaad ii soo dhowaateen idinkoo ah madaxdii qabiilooyinkiinna iyo duqowdiinnii oo dhanba,

24. oo waxaad tidhaahdeen, Bal eega, Rabbiga Ilaaheenna ahu wuxuu ina tusay ammaantiisa iyo weynaantiisa, codkiisiina waynu ka maqalnay dabka dhexdiisa, oo maanta waxaan ogaannay in Rabbigu dadka la hadlo oo uu isagu nool yahay.

Sharciga Kunoqoshadiisa 5