33. Khamrigoodu waa jebiso waabaydeed, Iyo mariidka xun ee jilbiska.
34. Tanu sow ilama kaydsana, Iyadoo shaabadaysan oo khasnadahayga ku dhex jirta?
35. Aarsasho iyo abaalmarinba anigaa iska leh, Markay cagtoodu simbiriirixan doonto, Waayo, maalintii masiibadoodu waa dhow dahay, Oo waxyaalaha iyaga ku soo kor degi doona ayaa deddejin doona.
36. Maxaa yeelay, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa, Oo addoommadiisana wuu ka nixi doonaa, Markuu arko in xooggoodii dhammaaday, Oo aan midna ku hadhin, mid xidhan iyo mid furan toona.
37. Oo wuxuu odhan doonaa, Bal meeye ilaahyadoodii, Iyo dhagaxii ay isku halleeyeen,
38. Oo cunay baruurtii allabaryadooda, Oo cabbay khamrigii qurbaankoodii cabniinka ahaa? Haddaba ha soo kaceen, oo ha idin caawiyeen, Oo iyagu ha idin daafaceen.
39. Haddaba bal eega inaan aniga qudhuhu ahay isagii, Oo aniga mooyaane aan ilaah kale jirin. Wax baan dilaa, waanan soo nooleeyaa. Wax baan dhaawacaa, waanan bogsiiyaa. Mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin karaa.
40. Waayo, gacantayda ayaan xagga samada kor ugu qaadaa, Oo waxaan leeyahay, Weligay waan noolahay.
41. Haddaan listo seeftayda dhalaalaysa, Oo gacantayduna xukun qabsato, Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa, Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa.
42. Fallaadhahayga waan ku sakhraamin doonaa Kuwa la dilay iyo maxaabiista dhiiggooda, Oo seeftayduna waxay hilib ka cuni doontaa Madaxa hoggaamiyayaasha cadowga.
43. Quruumahow, dadkiisa la reyreeya, Waayo, isagu wuu aaran doonaa dhiiggii addoommadiisa, Oo cadaawayaashiisana wuu ka aarsan doonaa, Oo dalkiisa iyo dadkiisana buu u kafaaro gudi doonaa.