Sharciga Kunoqoshadiisa 10:14-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

14. Bal eega, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa iska leh samada, iyo samada samooyinka, iyo dhulka, iyo waxa ku jira oo dhanba.

15. Oo waxaa keliyahoo Rabbigu ku farxay inuu awowayaashiin jeclaado, oo farcankoodii iyaga ka dambeeyeyna wuu doortay, kuwaasoo ah idinka ee uu dadyowga oo dhan ka dhex doortay siday maantadan tahay.

16. Haddaba sida jidhka loo gudo isaga jara xumaanta qalbigiinna, oo mar dambe ha sii madax adkaanina.

17. Maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa Ilaahii ilaahyada, iyo Sayidkii sayidyada, oo isagu waa Ilaaha weyn oo xoogga badan oo laga cabsado oo aan dadka u kala eexan, laaluushna qaadan.

18. Wuxuu u garsooraa agoonta iyo carmalka, shisheeyahana wuu jecel yahay, wuxuuna siiyaa dhar iyo dhuuni.

19. Haddaba sidaas daraaddeed idinku shisheeyaha jeclaada, maxaa yeelay, idinba shisheeyayaal baad ku ahaydeen dalkii Masar.

20. Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad u adeegtaan, waana inaad ku dhegtaan oo aad magiciisana ku dhaarataan.

Sharciga Kunoqoshadiisa 10