1. Oo haddana malaggii ila hadlay ayaa i toosiyey, sidii nin hurdo laga soo toosiyey.
2. Oo wuxuu igu yidhi, War maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa oo u jeedaa laambad wada dahab ah, oo maddiibaddeedana iyaday kor sarantahay, oo toddobadeeda laambadood ee yaryarna way kor yaalliin, oo waxaa jira toddobada tuubbo oo ku socota laambad yar oo kasta oo ku kor taal.
3. Oo agteedana waxaa ku yaal laba geed oo saytuun ah, oo mid wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda midig, oo kan kalena wuxuu ku yaal maddiibadda dhankeeda bidix.