Sekaryaah 3:8-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Haddaba Yashuuca oo wadaadka sare ahow, maqal, adiga iyo saaxiibbadaada ku hor fadhiya, maxaa yeelay, iyagu waa niman calaamad ah, waayo, bal eeg, anigu waxaan bixin doonaa addoonkayga Biqilka ah.

9. Waayo, bal eeg dhagaxa aan Yashuuca hortiisa dhigay, isku dhagax ayaa waxaa ku yaal toddoba indhood. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan xardhi doonaa xaradhkiisa, oo dalkaas xumaantiisana maalin qudha baan ku qaadi doonaa.

10. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ninkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ugu yeedhi doonaa canabka iyo berdaha hoostooda.

Sekaryaah 3