Sekaryaah 11:6-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.

7. Markaasaan daajiyey idaha la qalayo, oo sida xaqiiqada ah waxay ahaayeen idaha ugu miskiinsan. Oo waxaan soo qaatay laba ulood, oo mid waxaan u bixiyey Raallinimo, middii kalena waxaan u bixiyey Xidhiidh, oo idihii waan daajiyey.

8. Oo saddexdii adhijirba isku bil baan baabbi'iyey, waayo, naftaydu way ka daashay, oo weliba naftooduna way iga neceen.

9. Markaasaan idhi, Anigu idin daajin maayo. Kii dhimanayaa ha dhinto, kii halligmayaana ha halligmo, oo intii hadhana mid waluba kan kale hilibkiisa ha cuno.

10. Oo waxaan soo qaatay ushaydii aan Raallinimo u bixiyey, oo waan kala jebiyey, si aan u jebiyo axdigaygii aan dadyowga oo dhan la dhigtay.

Sekaryaah 11