Sekaryaah 10:8-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Anigu waan u foodhyi doonaa iyaga, oo waan isu soo wada ururin doonaa, waayo, waan soo furtay, oo waxay u badan doonaan siday u badnaan jireen.

9. Waxaan iyaga ku beeri doonaa dadyowga dhexdooda, wayna igu soo xusuusan doonaan waddammo fog. Way noolaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, oo way soo noqon doonaan.

10. Mar kalaan ka soo bixin doonaa dalkii Masar, Ashuurna waan ka soo ururin doonaa, oo waxaan iyaga keeni doonaa dalka Gilecaad iyo Lubnaan, oo weliba meel looma heli doono.

11. Oo isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa.

Sekaryaah 10