Sekaryaah 1:6-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.

7. Boqor Daariyus sannaddiisii labaad, bisheedii kow iyo tobnaad, taasoo ah bisha Shebaad maalinteedii afar iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Sekaryaah oo ahaa ina Berekyaah ina Iddo oo nebigii ahaa, oo wuxuu ku yidhi,

8. Habeenkii waxaan arkay oo ii muuqday nin faras xamar ah fuushan, oo wuxuu dhex istaagay geedaha hadaaska la yidhaahdo oo meel hoos leh ku yiil, oo gadaashiisana waxaa joogay fardo kale oo midabkoodu yahay xamar iyo midab dibicyo leh iyo caddaan.

9. Markaasaan idhi, Sayidkaygiiyow, waa maxay kuwanu? Markaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, Anigaa ku tusi doona waxa kuwanu yihiin.

Sekaryaah 1