Samuu'eel Kowaad 29:3-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

3. Markaasaa amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Kuwan Cibraaniyada ahu maxay halkan ka samaynayaan? Aakiishna wuxuu amiirradii reer Falastiin ku yidhi, War kanu sow ma aha Daa'uud oo ahaa addoonkii boqorka reer binu Israa'iil ee Saa'uul ah, oo ila joogay maalmahan iyo sannadahanba, oo aanan innaba xumaan ka helin tan iyo maalintii uu ii yimid ilaa maantadan?

4. Laakiinse amiirradii reer Falastiin aad bay ugu cadhoodeen, markaasay amiirradii reer Falastiin ku yidhaahdeen, War ninkan celi, si uu ugu noqdo meeshiisii aad u dooratay, oo yuusan dagaalka noo raacin, waaba intaasoo intaannu dagaalka ku jirno uu col noo noqdaa, waayo, ninkanu bal muxuu sayidkiisii kula heshiin karaa? Sow ma aha nimankan madaxyadooda?

5. Kanu sow ma aha Daa'uud kii ay gabay isugu celceliyeen, iyagoo cayaaraya, oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?

6. Markaasaa Aakiish Daa'uud u yeedhay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, adigu waad qummanayd, oo markaynu ciidanka dhex soconnay siibixiddaada iyo soogeliddaaduba hortayda way ku wanaagsanaayeen, waayo, ilaa maalintii aad ii timid iyo maantadan la joogo innaba xumaan kuguma aanan arkin; habase yeeshee saraakiishu raalli kaama aha.

7. Sidaas daraaddeed iska noqo, oo nabad ku tag, yaadan saraakiisha reer Falastiin calool xumayne.

8. Markaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo xumaanmaad igu aragtay anoo addoonkaaga ah intii aan kula joogay iyo ilaa maantadan, oo maxaa laygu diiday si aanan u tegin oo aanan ula diririn cadaawayaashaada, boqorow sayidkaygiiyow?

Samuu'eel Kowaad 29