Sabuurradii 90:13-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa? Oo raalli ka ahow addoommadaada.

14. Aroorta naxariistaada naga dhergi, Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.

15. Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay, Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.

16. Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada, Ammaantaaduna carruurtooda.

Sabuurradii 90