9. Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
10. Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan, Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
11. Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya, Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.
12. Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda, Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
13. Rabbiyow, ii naxariiso, Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan. Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,
14. Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan, Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
15. Quruumihii waxay ku dheceen yamayskii ay qodeen, Oo cagtoodiina waxaa qabsaday shabaggii ay qariyeen.
16. Rabbigu waa ismuujiyey, oo xukun buu dejiyey, Kii shar lahaa waxaa dabay shuqulkii gacmihiisa. (Higgayoon. Selaah)