Sabuurradii 83:15-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii.

16. Rabbiyow, wejigoodu wareer ha ka buuxsamo, Si ay magacaaga u doondoonaan.

17. Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een,

18. Si ay u ogaadaan in adigoo magacaagu Ilaah yahay Aad tahay Ilaaha ugu sarreeya dunida oo dhan.

Sabuurradii 83