Sabuurradii 81:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Aad ugu gabya Ilaaha xooggeenna ah, Oo farxad ugu qayliya Ilaaha Yacquub.

2. Sabuurka kor u qaada, oo waxaad halkan keentaan dafka, Iyo kataaradda lagu farxo, iyo shareeradda.

3. Buunka afuufa markay bishu dhalato, Iyo markuu dayaxu caddo buuxda yahay, iyo maalinta iiddeenna quduuska ah.

4. Waayo, taasu qaynuun bay u tahay reer binu Israa'iil, Waana amar ka yimid Ilaaha Yacquub.

Sabuurradii 81