Sabuurradii 75:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Ilaahow, adaan kuu mahadnaqnaa, Waannu kuu mahadnaqnaa, waayo, magacaagu waa noo dhow yahay, Dadku waxay ka sheekeeyaan shuqulladaada yaabka badan.

2. Wakhtiga aan qawimay, Ayaan si qumman wax u xukumi doonaa.

3. Dhulka iyo waxa kor deggan oo dhammuba way wada dhalaaleen, Tiirarkiisa anigaa qotomiyey. (Selaah)

4. Kuwa kibirka leh waxaan ku idhi, Ha kibrina, Kuwa sharka lehna waxaan ku idhi, Geeskiinna kor ha u taagina,

5. Geeskiinna kor ha u taagina, Oo madaxadayg ha ku hadlina.

Sabuurradii 75