Sabuurradii 7:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa, Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,

2. Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane, Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.

3. Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey, Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,

4. Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah, (Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)

Sabuurradii 7