Sabuurradii 66:17-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.

18. Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,

19. Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.

20. Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.

Sabuurradii 66