1. Ilaahow, magacaaga igu badbaadi, Oo xooggaaga iigu garsoor.
2. Ilaahow, baryadayda maqal, Oo erayada afkayga dhegta u dhig,
3. Waayo, shisheeyayaal baa igu kacay, Oo rag dulmi badan ayaa doonayay inay nafta iga qaadaan, Iyagu Ilaah kama fikirin. (Selaah)