5. Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
6. Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
7. Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.
8. Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
9. Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10. Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11. Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12. Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.