21. Ilaah miyaanu waxaas baadhayn? Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.
22. Haah, oo adiga daraaddaa ayaa naloo laayaa maalinta oo dhan, Oo waxaannu noqonnaa sida ido la qalayo.
23. Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
24. Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?
25. Waayo, naftayadu ciidday ku foororsatay, Oo calooshayaduna dhulkay ku dhegtaa.
26. Caawimaaddayada daraaddeed u sara joogso, Oo raxmaddaada daraaddeed noo furo.