Sabuurradii 40:5-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

5. Rabbiyow, Ilaahayow, shuqullada yaabka badan oo aad samaysay way badan yihiin, Oo fikirradaada aad naga qabtidna way badan yihiin, Oo iyaga lama xisaabi karo, Haddii aan sheego oo ka hadlo, Iyagu way ka sii badan yihiin wax la tirin karo.

6. Allabari iyo qurbaan kuma aad faraxsanid, Oo anna dhegahaygii waad ii furtay, Qurbaan la gubo iyo qurbaanka dembiga midna ima aad weyddiisan.

7. Oo markaasaan idhi, Bal eeg, anigu waan imid, Oo kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran.

8. Ilaahayow, waxaan jeclahay inaan sameeyo doonistaada, Haah, oo sharcigaagu wuxuu ku dhex jiraa qalbigayga.

9. Xaqnimo baan shirka weyn ku dhex wacdiyey, Oo bal eeg, inaanan bushimahayga ka joojin, Waad og tahay, Rabbiyow.

Sabuurradii 40