Sabuurradii 30:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan.

2. Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay.

3. Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yamayska ugu dhicin.

4. Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah.

Sabuurradii 30