1. Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana, Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
2. Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay, Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
3. Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha, Ilaaha ammaantu wuu onkodaa, Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
4. Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay, Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
5. Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah, Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
6. Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale, Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.