Sabuurradii 25:13-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Naftiisu wanaag bay ku jiri doontaa, Oo farcankiisuna wuxuu dhaxli doonaa dalka.

14. Rabbiga taladiisa qarsoon waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada, Oo wuxuu iyaga tusi doonaa axdigiisa.

15. Weligayba indhahaygu waxay u jeedaan xagga Rabbiga, Waayo, wuxuu cagahayga ka bixin doonaa dabinka.

16. Bal xaggayga u soo jeeso, oo ii naxariiso, Waayo, waan cidloobay, oo dhib baa i haysa.

Sabuurradii 25