1. Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay? Oo aad uga fogaatay caawimaaddayda iyo hadalka hinraaggayga?
2. Ilaahayow, maalintii waan kuu qayshadaa, adiguse iima jawaabtid, Oo habeennimadana waan qayliyaa oo ma nasto.
3. Laakiinse adigu quduus baad tahay, Oo kursigaaga waxaad ka dhigtaa ammaanta reer binu Israa'iil.
4. Awowayaashayo adigay isku kaa halleeyeen, Iyagu way isku kaa halleeyeen, oo adna waad samatabbixisay.
5. Adigay kuu qayshadeen, oo way samatabbexeen, Way isku kaa halleeyeen, oo mana ay ceeboobin.
6. Laakiinse anigu waxaan ahay dixiri, oo dad ma ahi, Waxaan ahay mid la caayo, oo dadku quudhsado.
7. Oo kuwa i arka oo dhammu way igu qoslaan, Bushimahay yuubaan, oo madaxay lulaan, iyagoo leh,