Sabuurradii 18:44-46 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

44. Oo mar alla markii ay warkayga maqlaan way i addeeci doonaan, Oo shisheeyayaashuna way isu kay dhiibi doonaan,

45. Shisheeyayaashu way libdhi doonaan, Oo iyagoo gariiraya ayay qolalkooda ka soo bixi doonaan.

46. Rabbigu waa nool yahay, oo mahad waxaa leh dhagaxayga weyn, Oo Ilaaha i badbaadiyeyna ha sarreeyo,

Sabuurradii 18