Sabuurradii 17:1-3 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, xaqa maqal, oo qayladayda u jeeso, Oo baryadayda dhegta u dhig, taasoo aan ka bixin bushimo khiyaano leh.

2. Xukunkaygu ha ka yimaado hortaada, Oo indhahaaguna caddaalad ha fiiriyeen.

3. Qalbigayga waad tijaabisay, oo habeennimaad i soo booqatay, Waad i imtixaantay, oo wax shar ah igama aad helin, Waxaan u qasdiyey inaanu afkaygu xadgudbin.

Sabuurradii 17