Sabuurradii 147:7-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,

8. Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.

9. Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.

10. Isagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.

11. Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.

Sabuurradii 147