Sabuurradii 119:59-62 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

59. Waxaan ka fikiray jidadkayga, Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.

60. Waan u degdegay, oo kama aan raagin Inaan amarradaada dhawro.

61. Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh, Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.

62. Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo, Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.

Sabuurradii 119