Sabuurradii 119:113-117 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

113. Waan necbahay kuwa labada qalbi leh, Laakiinse sharcigaaga waan jeclahay.

114. Waxaad tahay gabbaadkayga iyo gaashaankayga, Oo waxaan rajo ku qabaa eraygaaga.

115. Kuwiinna xumaanta falow, iga taga, Si aan amarrada Ilaahayga u xajiyo.

116. Rabbiyow, ii tiiri si eraygaaga waafaqsan si aan u noolaado, Oo yaanan rajadayda ku ceeboobin.

117. Kor ii hay, oo waan badbaadi doonaa, Oo had iyo goorba waxaan u fiirsan doonaa qaynuunnadaada.

Sabuurradii 119