Sabuurradii 119:11-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday Si aanan kuugu dembaabin.

12. Rabbiyow, adigaa mahad leh, Haddaba qaynuunnadaada i bar.

13. Waxaan bushimahayga ku sheegay Xukummadii afkaaga oo dhan.

14. Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga, Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.

15. Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada, Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.

16. Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa, Eraygaagana ma illoobi doono.

17. Anoo addoonkaaga ah wax badan oo wanaagsan ii samee, si aan u noolaado, Oo sidaasaan eraygaaga u dhawri doonaa.

18. Indhahayga fur Si aan waxyaalo yaab badan sharcigaaga uga arko.

19. Socotaan dhulka ku ahay, Haddaba amarradaada ha iga qarin.

20. Naftaydu waxay u xiisootay Jacaylkay had iyo goorba u qabto xukummadaada.

Sabuurradii 119