Sabuurradii 115:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Rabbiyow, yaanay noo ahaan, yaanay noo ahaan, Laakiinse magacaaga ammaani ha u ahaato, Naxariistaada iyo runtaada daraaddood.

2. Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?

3. Laakiinse Ilaahayagu samooyinkuu ku jiraa, Oo wax alla wixii uu doonayayna wuu sameeyey.

4. Sanamyadoodu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax dad gacmaha ku sameeyey.

5. Waxay leeyihiin af, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,

6. Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Sanna way leeyihiin, laakiinse waxba ma urshaan,

7. Gacmo way leeyihiin, laakiinse waxba ma qabtaan, Cagona way leeyihiin, laakiinse ma socdaan, Oo hungurigoodana hadal kama soo saaraan.

8. Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaba.

9. Reer binu Israa'iilow, Rabbiga isku halleeya, Isagu waa caawimaaddooda iyo gaashaankooda.

Sabuurradii 115