Sabuurradii 105:22-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Inuu amiirradiisa xidho markuu doonayoba, Oo uu odayaashiisana xigmad baro.

23. Israa'iilna wuxuu yimid dalkii Masar, Yacquubna wuxuu qariib ahaan u joogay dalkii Xaam.

24. Oo isagu dadkiisii aad buu u badiyey, Oo wuxuu ka dhigay inay ka xoog bataan cadaawayaashoodii.

25. Qalbigoodii wuxuu u beddelay si ay dadkiisa u nebcaadaan, Iyo si ay addoommadiisa u khiyaaneeyaan.

26. Wuxuu u soo diray addoonkiisii Muuse, Iyo Haaruun oo uu doortay.

27. Oo waxay dhexdooda ku sameeyeen calaamooyinkiisii, Oo dalkii Xaamna waxay ku sameeyeen yaabab.

28. Wuxuu u soo diray gudcur, dalkiina gudcur buu ka dhigay, Oo iyana hadalkiisii kuma ay caasiyoobin.

Sabuurradii 105