4. Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada, Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
5. Adigaa dhigay aasaaska dhulka, Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
6. Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale, Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
7. Canaantaadii ayay ku carareen, Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
8. Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka, Ilaa meeshii aad u samaysay.
9. Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin, Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
10. Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo, Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
11. Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
12. Haadda samadu iyagay ag degganaadaan, Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.