11. Markaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon.
12. Haddaba Rabbigu shuqulkaaga ha kaaga abaalgudo, oo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo aad baalashiisa hoostooda magan gashay ha ku siiyo abaalgud dhan.
13. Kolkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn.
14. Oo wakhtigii qadada ayaa Bocas wuxuu ku yidhi, Kaalay halkan, oo kibista wax ka cun, oo cuntadaada ku qoyso khalka. Oo waxay dhinac fadhiisatay kuwii beerta gooynayay, oo waxay siiyeen hadhuudh la saloolay, oo way cuntay, wayna dheregtay, oo wax bayna hambaysay.