27. Oo kanu waa axdigayga aan la dhigan doono iyaga, Markaan dembigooda ka qaadi doono.
28. Xagga injiilka iyagu waa cadaawayaal aawadiin, laakiinse xagga doorashada waa kuwo la jecel yahay awowayaasha aawadood.
29. Waayo, hadiyadaha iyo yeedhidda Ilaah ka soo noqosho ma leh.
30. Waayo, idinkuba mar baad Ilaah caasi ku ahaydeen, laakiinse haatan waxaa laydiinku naxariistay kuwaas caasinimadooda,
31. sidaas oo kalay iyaguna haatan caasi u noqdeen, in naxariistii laydin tusay, iyagana haatan loogu naxariisto.
32. Waayo, Ilaah kulli wuxuu ku wada xidhay caasinimo inuu u wada naxariisto kulli.