Nexemyaah 3:31-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

31. Meeshii isaga ku xigtayna waxaa cusboonaysiiyey Malkiiyaah oo ahaa dahabtumayaasha midkood oo wuxuu dhisay tan iyo gurigii reer Netiiniim iyo baayacmushtariyada oo ka soo hor jeedday Iridda Mifqaad iyo ilaa meeshii geeska laga fuulo.

32. Oo meeshii geeska laga fuulo iyo Iriddii Idaha intii u dhaxaysayna waxaa cusboonaysiiyey dahabtumayaashii iyo baayacmushtariyadii.

Nexemyaah 3