18. Oo waxaan iyagii wax uga sheegay gacantii Ilaahay oo korkayga ku wanaagsanayd, iyo weliba erayadii uu boqorku igula hadlay. Oo iyana waxay yidhaahdeen, Ina kiciya aan dhisnee. Sidaasay gacmahoodii shuqulkii wanaagsanaa ugu xoogeeyeen.
19. Laakiinse Sanballad oo ahaa reer Xoron, iyo addoonkii ahaa Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon, iyo Geshem oo ahaa Carab, markay taas maqleen ayay nagu qosleen, oo na quudhsadeen, oo waxay yidhaahdeen, War waxaad samaynaysaan waa maxay? Ma boqorkaad ku caasiyoobaysaan?
20. Markaasaan jawaabay oo ku idhi, Ilaaha samadu wuu na liibaanin doonnaa, oo sidaas daraaddeed annagoo addoommadiisa ah waannu kici doonnaa, wax baannuna dhisi doonnaa, laakiinse idinku Yeruusaalem kuma lihidin qayb, ama xaq, amase xusuus toona.