Nexemyaah 12:7-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. iyo Sallu, iyo Caamooq, iyo Xilqiyaah, iyo Yedacyaah. Intaasu waxay ahaayeen madaxdii wadaaddada iyo walaalahoodii joogay wakhtigii Yeeshuuca.

8. Oo weliba kuwii reer Laawi waxay ahaayeen Yeeshuuca, iyo Binnuwii, iyo Qadmii'eel, iyo Sheereebyaah, iyo Yahuudah, iyo Matanyaah oo madax u ahaa mahadnaqidda, isaga iyo walaalihiisba.

9. Oo weliba Baqbuqyaah iyo Cunnii oo ahaa walaalahood waxay ku jireen gudaha oo iyagay ka soo hor jeedeen.

10. Oo Yeeshuuca wuxuu dhalay Yooyaaqiim, Yooyaaqiimna wuxuu dhalay Eliyaashiib, Eliyaashiibna wuxuu dhalay Yooyaadaac,

11. Yooyaadaacna wuxuu dhalay Yoonaataan, Yoonaataanna wuxuu dhalay Yadduuca.

12. Oo wakhtigii Yooyaaqiim waxaa jiray wadaaddo qabiilooyin madax u ahaa; waxaa reer Seraayaah u ahaa Meraayaah, reer Yeremyaahna Xananyaah,

13. reer Cesraana Meshullaam, reer Amaryaahna Yehooxaanaan,

14. reer Meliikuuna Yoonaataan, reer Shebanyaahna Yuusuf,

15. reer Haarimna Cadnaa, reer Meraayoodna Xelqay,

16. reer Iddona Sekaryaah, reer Ginnetoonna Meshullaam,

17. reer Abiiyaahna Sikrii, reer Minyaamiinna, reer Moocadyaahna Filtay,

18. reer Bilgaahna Shammuuca, reer Shemacyaahna Yehoonaataan,

19. reer Yooyaariibna Matenay, reer Yedacyaahna Cusii,

20. reer Sallayna Qallay, reer Caamooqna Ceeber,

21. reer Xilqiyaahna Xashabyaah, reer Yedacyaahna Netaneel.

22. Oo kuwii reer Laawi oo joogay wakhtigii Eliyaashiib, iyo Yooyaadaac, iyo Yooxaanaan iyo Yadduuca waxay ahaayeen madaxda qabiilooyinka oo la qoray; waxaa kaloo la qoray wadaaddadii joogay ilaa boqornimadii Daariyus kii reer Faaris ahaa.

Nexemyaah 12