Nexemyaah 12:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba kuwanu waa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi oo soo raacay Serubaabel oo ahaa ina Salaatii'eel, iyo Yeeshuuca: Seraayaah, iyo Yeremyaah, iyo Cesraa,

2. iyo Amaryaah, iyo Malluug, iyo Xatuush,

3. iyo Shekaanyaah, iyo Rexuum, iyo Mereemood,

4. iyo Iddo, iyo Ginnetoy, iyo Abiiyaah,

5. iyo Miyaamin, iyo Macadyaah, iyo Bilgaah,

6. iyo Shemacyaah, iyo Yooyaariib, iyo Yedacyaah,

7. iyo Sallu, iyo Caamooq, iyo Xilqiyaah, iyo Yedacyaah. Intaasu waxay ahaayeen madaxdii wadaaddada iyo walaalahoodii joogay wakhtigii Yeeshuuca.

8. Oo weliba kuwii reer Laawi waxay ahaayeen Yeeshuuca, iyo Binnuwii, iyo Qadmii'eel, iyo Sheereebyaah, iyo Yahuudah, iyo Matanyaah oo madax u ahaa mahadnaqidda, isaga iyo walaalihiisba.

9. Oo weliba Baqbuqyaah iyo Cunnii oo ahaa walaalahood waxay ku jireen gudaha oo iyagay ka soo hor jeedeen.

10. Oo Yeeshuuca wuxuu dhalay Yooyaaqiim, Yooyaaqiimna wuxuu dhalay Eliyaashiib, Eliyaashiibna wuxuu dhalay Yooyaadaac,

11. Yooyaadaacna wuxuu dhalay Yoonaataan, Yoonaataanna wuxuu dhalay Yadduuca.

Nexemyaah 12