Matayos 5:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markuu dadkii badnaa arkay ayuu buur fuulay, markaasuu fadhiistay oo xertiisa ayaa u timid.

2. Kolkaasuu afkiisa kala qaaday oo wax baray, isagoo leh.

3. Waxaa barakaysan kuwa xagga ruuxa ka masaakiin ah, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.

4. Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa.

5. Waxaa barakaysan kuwa camal qabow, waayo, dhulkay dhaxli doonaan.

6. Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada u gaajaysan oo u harraadsan, waayo, way dhergi doonaan.

7. Waxaa barakaysan kuwa naxariista leh, waayo, waa loo naxariisan doonaa.

8. Waxaa barakaysan kuwa qalbiga ka daahirsan, waayo, Ilaah bay arki doonaan.

9. Waxaa barakaysan kuwa nabadda ka shaqeeyaa, waayo, waxaa loogu yeedhi doonaa wiilashii Ilaah.

10. Waxaa barakaysan kuwa xaqnimada aawadeed loo silciyo, waayo, boqortooyada jannada iyagaa leh.

Matayos 5